Wasiirka Qorsheynta Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay gadaal ka riixeyso qorsheyaal khalkhal gelin Degaanada Dowlad Goboleedyada qaarkood iyo muddo kororsi ku sameynayso iyo inay dalka dib ugu celinayso waqtigii adkaa Ee laga soo gudbay…
Wasiirka ayaa sheegay inuu socdo qorshe aan lagu dhawaaqin, balse ay Dowladda Federaalka muddada ku kordhineyso, taasoo sida uu sheegay ay xiggi doonto caburin iyo in lagu duulo qaybo ka mida Puntland iyo Jubbaland.
“Waxaan rabaa dadweynaha Soomaaliyeed inaan u sheego waxaa cad oo meeshaan la qarinayaa, oo aan horey loo sheegin oo Dowladda Federaalka aysan ku dhawaaqin, laakiin in badan laga hadlay waxa weeye, waxaa meesha ka socda ajande qarsoon oo ah ku darsasho.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaa jirta, waana arki doontaa sababta ay Dowladda Federaalka u diidan tahay heshiiskan inay gasho oo u xagal daacineyso, oo hadba boorka isugu qarineyso wax kale maaha, waxaa weeye ku darsasho.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaa taas barbar socdo marka ku darsashada la sameeyo in caburintii halkaa laga sii wado, dadka Soomaaliyeed-na qori leeskugu dhiibo. Meelaha dagaalka laga wado waxaa ka mid ah Gedo oo ciidamada lagu sii daabulayo.”
Wasiir Xaange ayaa ku waramaya inay xogta ku helayaan inay Dowladda Federaalka duulaan ku tahay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
“Waxaa hadda warbixinta nagu soo gaareysaa oo masuuliyiintan qaarkood ka hadleen meelo ka mida Puntland la rabo in weerar laga bilaabo, oo ay lahaayeen ciidamadii ayaa Burtinle la keenayaa. Nasiib-darro Somaliya cid xoog ku juujuubi karta ma jirto.” Ayuu yiri Wasiirku.