Maqaalka Caafimaadka Bulshada:-Waa Maxay Afqalooc, Maxaase Keena..?

Health

Afqaloocu (Facial palsy) wuxuu ka dhashaa murqaha koontaroola qeyba ka mid ah wajiga oo daciifa ama noqda mid xadidan ah (Paralysis), Xaaladaan Bukaanku waxay ku timaada si dhaqsa ah iyadoo aan la arkin wax astaan ah kahor, wuxuuna Cudurkaan aad ugu badan yahay Dalalka daryeelka Cafimaad uu hooseeyo…

Maxaa sababa afqalooc

Xaalada Bukaanka waxa sababa ilaa iyo hada macadda, laakin waxaa la rumeysan yahay in caabuq uu dhaawac gaarsiiyo neerafaha maamula murqaha dhinac kamid ah wajiga, xaalada badan oo caafimaad ayaa sababi kara iney daciifaan murqaha qeyb ka mid ah wajiga, amaba ay noqdaan xadidan waxyaabaha kala oo sababa waxaa ka mid ah.

  • Infekshan ama caabuq saameya Neerbaha wajiga
  • Jug soo gaarta madaxa
  • Jug soo gaarta qoorta
  • qalalka

Waa maxay astaamaha Lagu garto Afqalooca

Afqaloocu wuxuu saameeya hal dhinac oo wajiga ah, wuxuuna khalkhal geliyaa kalsoonida qofka, wuxuu kaloo hoos udhigaa firfircoonida nolosha Bukaanka.

  • Xanuun wajiga ah
  • Madax xanuun ama wareer
  • Dhagta gadaasheeda oo xanuunta
  • Hadalka oo dhib noqda
  • Cunida iyo cabida oo dhib noqda
  • Dhareer soo daata
  • Indhaha oo ilmeeya
  • Afka iyo insha oo qaleel noqda

Sidee loo daweeyaa Afqalooca?

Waxaa la qiyaasaa ku dhawaad 80% Dadka uu ku dhaco iney iskooda ubogsoodaan, inta soo hartayna waxaa lagu daweeyaa qaliin ama Daawo Dhaqameed iyo Chinese Medicine.

299230cookie-checkMaqaalka Caafimaadka Bulshada:-Waa Maxay Afqalooc, Maxaase Keena..?