Baada Iyo Boob Lagu Eedeeyay Mas’uuliyiin..

Uncategorized

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Amaanka ee Maamulka Villa Somalia, ay maalmihii ugu dambeeyay qaadeen Hanjabaado iyo Baad lagu weydiisanaayo dhalinyarada ka shaqeeysa Sarifka lacaga qalaad ee habka Online-ka  ah ama loo yaqaan”FOREX”.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Horjoogayaasha Adeege Fahad (NISA) iyo Moryaan Saadaq Cumar Xassan (Saadaq Joon) ay qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeeysa Mihnada Forex-ka oo ku shiraayay Hotel Jowhara ee Magaalada Muqdisho ku qabteen kadib u jeediyeen Hanjabaado iyo iney baad Joogto ah bixiyaan.
Fariimo uu la wadaagay qaar ka mid ah  Maamulayaasha Shirkadaha Forex ayuu horay ugu sheegay in uu ka rabo lacag hadii aysan bixinna uu ka xiraayo shirkadahaasi, waxaana arrintaan ay horseedi kartaa shaqo La’aan soo wajahda dhalinyarada.

Hanjabaadahaan ayaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil oo u arka Shirkadaha Forex-ka iney dhibaatooyin u horseedayaan ganacsigooda, waxeyna ka dalbadeen Maamulka Farmaajo in talaabo adag laga qaado.

16370cookie-checkBaada Iyo Boob Lagu Eedeeyay Mas’uuliyiin..