Qafaal & Raaf Lagu Hayo Muwaadiniin Soomaaliyeed Ee Ku Nool Zambia

Africa News Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa walaac iyo welwel laga muujiyay Raaf iyo qabqabsho si gaar ah loogu bartilmaameedsaday tiro badan oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood meherado ganacsi ku leh Magaalada Ndola ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay ku beegsadeen Xoogaga Amaanka…

Magaalada Ndola oo ku taal xuduudda Zambia ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa waxaa ku nool qoysas badan oo Soomaali ah, oo qaarkood ay ganacsato yihiin, iyadoo la sheegay in Tiro badan oo Soomaali ah la soo qabtay lagu xiray Garoon ciyaareed oo Magaalada ku yaal kuwaasoo ku heysta dhibaatooyin kala kuwan.

Bilihii ugu Dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Qafaalka Soomaalida, iyagoo kuwii ugu dambeeyay ay ka dhaceen Degaanada Waqooyiga Somalia, Dalka Turkiga iyo haatan Ndola Zambia, Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si aad uga walaacsan xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

148280cookie-checkQafaal & Raaf Lagu Hayo Muwaadiniin Soomaaliyeed Ee Ku Nool Zambia