Weerar ismiidaamin ah oo ruux naftii halige ah fuliyay ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Shaqsiga Naftii-Haliga ah uu doonaayay inuu la beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere, waxaana ku geeriyooday labo ruux oo shacab ah iyo mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha sida goob joogayaal ay sheegeen.
Guddoomiyaha ayaa la sheegaya inuu qaraxa ka badbaaday, isagoo xiligaasi ku sugnaa maqaayad ku taal gudaha Magaalada, Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay iyo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Qarax maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo kaasoo la la beegsaday Sarkaal ka tirsan Xoogaga Amaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Warar ayaa sheegaya in Sarkaalka gaargiisa lagu xiray Miino, iyadoo la sheegay in Marxuum Xamdi Maxamed Maxamuud uu ku geeriyooday qaraxaasi.