Khaladaadka Siyaasadeed Oo Horseeday In Loolanka Looga Adkaado Farmaajo

Somalia news

Muddo bilooyin ah Waxaa u dhaxeeyay xariga Jiid Siyaasadeed oo adag Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland, Iyadoo xiisadani ay waji cusub u yeeshay kadib markii khalad-Siyaasadeedkii ugu weynaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo u galay…

Todobaadyo ka hor Wakiilada Beesha Caalamka ayaa culeys ku saarayay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iney shirka ka qeyb galaan oo doodooda dhiibtaan, iyadoo wixii ka dambeeyay ay Daneeyayaasha Somalia ay culeys saar wadeen in dhinicii diida ama Shuruudo cusub la yimaada, xiligaan oo la sheegay in Maamulka Villa Somalia ay faafiyeen inuu shirku Fashilmay.

Prof.Kabire oo ah Khabiir Soomaaliyeed ayaa sheegay in Khaladka 2-aad oo uu galay ayaa ah Qoraalka aan laga fiirsan oo loo diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu Eedeeyay iney faraha kula jiraan Arrimaha gudaha ee Somalia haddiiba laga hadlaayo Hanaanka Doorashada, iyadoo qoraalkii ugu dambeeyay ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ugu baaqeen dhinacyadaan iney dib ugu laabtaan Teendhada Afisioni oo shirka la sii wado.

Hadda Waxaa soo shaac baxaya in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay markii ugu horeysay ay ugu baaqaan Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday inuu ka soo qeyb galo shirka Teendhada Afisioni “Annagu weli gogoshii Ayaan fadhinaa, wada hadalka ha fashilinin ee ku soo laabo Mudane miiska wada hadalka” ayaa lagu Yiri Farmaajo, iyadoo baaqani u muuqdo mid Hogaanka Siyaasada lagala wareegay.

109710cookie-checkKhaladaadka Siyaasadeed Oo Horseeday In Loolanka Looga Adkaado Farmaajo