Halkey Wada Hadaldii Somalia & Maamulka Somaliland Ka Khaldameen Sideese Loo Sixii karaan

Somalia news

Sanadkaan ayaa ku bilaawday dagaal Warbaahineed oo u dhaxeeya Somalia & Ethiopia kadib markii Maamulka Abiy uu la saxiixday heshiis is-afgarad oo looga kireeyay 20-KM xeebta Degaanka Lughaya iyo Wado dhirirkeedu yahay 90-Km ilaa xadka ah muddo 50-sano…

Heshiiskaan ayaa 24-saac kadib soo afjaray Heshiis kale oo ay wada gaareen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland, Mr.Muuse Biixi ayaa ku andacooday in Madaxda Dowlada Federaalka uu kula heshiiyay inuu Heshiis la geli karo Dalalka iyo Shirkadaha salkana ku haya horumarinta Dhaqaalaha, iyadoo la isweydiinaayo Inuu Awood u leeyahay in Fariisimo Ciidan Badeed uu ka kireeyo Dal kale.

Maamulka Hargeysa ayaa ku Andacoonaya in Mid ka mid ah heshiisyadaasi awood u siinaya Maamulkooda iney xoog ku barakiciyo Dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda Konfurta, iyagoo ku marmarsiyoonaya in awoowayaashood aysan ka soo jeedin dhulkii ay ahaan jirtay Maxmiyaddii UK, iyo iney duqeeyaan Degmooyinka ay ku mideysan yihiin midawga sida Laascaanood.

Go’aanadaan waxaa barbar socda dib u cusboonaysiinta heshiiska Gaashaandhigga ee ay Somalia iyo Ethiopia ku kala saxiixdeen Diseembar 2023 magaalada Addis Ababa, isla markaasna aan Baarlamaanka la horgeynin heshiiskaasi oo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ku dhiirraday inuu Madaxweynaha Maamulka Somaliland la saxiixdo Heshiis is-faham xagga badda ah oo ka hor imaanaya Midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

303310cookie-checkHalkey Wada Hadaldii Somalia & Maamulka Somaliland Ka Khaldameen Sideese Loo Sixii karaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com