Siyaasada Dibedda Ee Aan Fadhin Oo Farmaajo Qaranka U Horseeday Fashil

Somalia news

Shaqaalihii Safaaradda Somalia ee Nairobi oo muddo todobaad ka hor lagu amray iney Dhismahaasi xiraan, iyadoo lagu waday in maalinta berri soo gaaraan Magaalada Muqdisho, ayaa u muuqata in laga laabtay go’aankii todobaadkii hore, lana filayo in dib loo bilaabo shaqadii ay Safaarada ka hayeen…

Siyaasada Aan Fadhin Ee Farmaajo:-

Shir madaxeedka 38aad ee aan caadiga aheyn oo maanta ka furmay Jabuuti, Xiisada Somalia iyo Kenya waxay ka ahayd qayb yar, waxaana lagu soo qaaday, xaaladda kala guurka ah ee Suudaan, heshiiska kooxaha hubeysan ee Koofurta Sudan, dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii Tigray, xaaladda xuduuda Ethiopia iyo Sudan, saameynta Covid 19 iyo ayaxa aafaynayo Geeska Afrika.

Sida muuqato arrinta Kenya iyo Somalia waxaa lagu dhammeeyay shir doceed ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.

Warmurtiyeedka oo la filayo in maalinta berri la soo saaro waxaa la sheegayaa inay ku qoran tahay in xiriirka diblomaasiyeed la soo celiyo, Kenyana ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida dalka Somalia, lana sameeyo Guddi kormeera hirgelinta heshiiska

Ma muuqto guul diblomaasiyeed oo Madaxweyne Farmaajo ka soo hoyanayo Shirka Jabuuti, sababtoo ah ma jiro dowlad adduunka ka tirsan oo inkirsan madax banaanida iyo midnimada Somalia, Kenyana waxay la mid tahay dowlado badan oo deriska iyo beesha caalamka ah oo faragelin weyn ku hayo Somalia.

Isku soo wada duuboo waxaa la sugayaa War murtiyeedka soo bixi doona oo ah in lagu dhawaaqo in la soo celiyo xiriirkii mudada todobaadka jarnaa ee Kenya iyo Somalia.

80490cookie-checkSiyaasada Dibedda Ee Aan Fadhin Oo Farmaajo Qaranka U Horseeday Fashil