Ma Dhabaa in Faraca Amniyaadka ee Kooxda Shababka ay Kaga Horeeyaan Xuuraanka & Xog-Uruurinta..

Somalia news

Daraasad ay soo bandhigeen Wargeyska Sirdoonka ayaa lagu soo dul istaagay in falanqeyn ku aadan hanaan howlgal ee xog-uruurinta, Xuuraanka & lid-Xuuraanka Sirdoonka Dowladda Federaalka iyo Kuwa Kooxda Argagixisada Shababka ayaa lagu xusay in farqi weyn u dhaxeeyo muujineysana murugsanaanta ku jirta Qaab-dhismeedka Hey’adaha Amniga…

Waxaana la qiray in Faraca Sirdoonka Kooxda Argagixisada Shababka (Amniyaadka) ay ku dhisan tahay qabab isugu jira hanaan hore iyo kuwa casiriga ah ee Xog-uruurinta, Xuuraanka iyo Lid-Xuuraanka kuna sifoobeen abaabul wax qabad muuqda leh iyo go’aan ka gaaris deg deg ah ku dhisan, Talaabooyinkaan ayaa u sahashay iney kasbadaan Shacbiga oo ay gaarto in Adeeg Garsoor loo doonto.

Halka Hey’adda NISA oo lagu soo xulo Kaadirnimo & Guulwadeyn Hogaanka markaas talada haya, ayaa muuqaal aan wanaagsaneyn ka bixiyay iney go’doon u gasho Siyaasiyiinta aqoontoodu hooseyso ee Talada haya, ku darsoo Howlaha loo igmaday (NISA) laga weeciyo isla markaasna ay la dageen Musuq, Eex, Qoris ku saleysan Qabiil, Aqoon darro iyo hoos u dhac u horseeda waxgalka Howlgalada Hey’adda.

Daraasadaan ayaa iftiimineysa baahida deg deg ah ee loo qabo in la dejiyo Qorshe Qaran oo ku dhisan Straatejiyad Amni oo Mideysan lana jaan qaadi kara muuqaalka Bulshada ee Dalka kuna dhisan Wadaniyad dhexdhexaadna ka ah ujeedooyinka Xarakaadyada hubeysan ee shaatiyada Diimeed xiran ee Maxaliga iyo kuwa Shisheeyaha.

Somalia Nidaamyada Dowladeed hadda la soo maray iyo kuwa dhisan ma muujinayaan iney xiligaan adag ay Dalka ka saari karaan hanaanka Xasiloonida Amni, waxaana mug weynaaday aragtiyada beeleysan oo go’doon geliyay baahida loo qabo tayenta iyo casriyenta si isku dhafan Sirdoonka, Xoojinta Amniga & daraseynta Bulshada, iyadoo bud-dhig looga dhigaayo Daacadnimada Dastuurka iyo Dalka laguna xulaayo Dhalinyarada si siman si ay ugu adeegaan Danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

320460cookie-checkMa Dhabaa in Faraca Amniyaadka ee Kooxda Shababka ay Kaga Horeeyaan Xuuraanka & Xog-Uruurinta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *