Maxaa laga Filan Karaa Kulanka Hoteelka Jasiira

Somalia news

Galabta waxaa Hoteelka Jasiira Ee magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmaya Shirweynaha aayo ka tashiga Beelaha Hawiye, waxaana ka qeyb galaya Siyaasiyiin, Xildhibaano, Odayaasha dhaqanka, xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta, Aqoonyahano, Haween iyo Dhalinyarada Beelaha Hawiye…

Shirkaan Ujeedkiisu waan in Beesha ay ku caddeyso Mowqifka ay ka taagan tahay Muddo Kordhinta 2-da sano oo dhowaan ay sameeyeen tiro Xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana abaabulkiisa aad looga dareemay guud ahaan Caasimadda iyadoo sidoo kale indhaha ku hayaan Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo ka cabsi qaba in Mucaaradku abuuraan Dareen Shacab oo xoog leh.

Waxaa si weyn welwel uga qaba Kulankaan Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle oo xiligaan ku jira lafta jecli iyo luda jecli, kuwaasoo lagu balamiyay iney mowqifkooda ka caddeeyaan Muddo kororsiga, Labadaan Nin ayaa ka dhuumanaaya iney caddeyaan dhinaca ay raacsan yihiin, Mr.Qorqor ayaa la sheegay in Farmaajo uu siiyay 2-million Oo US$ ah taasoo qeyb ka aheyd dhaqaale deyn ahaan loogu lahaa Villa Somalia shirarkii Dhuusa mareeb.

Kulanka Maanta ayaa laga yabaa iney Labadaan nin ka baaqsadaan maadama aysan gaari karin go’aan cad oo ay dhinac la saftaan, Prof.Kabire ayaa sheegay “Labada nin iney Shirka ka soo qeyb galaan Waxaa ka horeyso iney diyaar u yihiin iney caddeeyaan Mowqifkooda ayna soo saaraan war saxaafadeed”.

Hadii ay ka baaqsadaan waxaa dhici karta in duufaano colaadeed iyo dhacaaya do laga faafiyo taasoo sabab karta in ugu dambeyntii ay xilalka ku waayaan oo ay horey u sii raacaan Farmaajo, halkaasna uu ku soo af jarmo ka dhex muuqashada masraxa Siyaasada iyo Saameynta jugooyinka ay ka soo jeedaan.

112570cookie-checkMaxaa laga Filan Karaa Kulanka Hoteelka Jasiira