Faahfaahin Laga Helay Xariga Xildhibaan Ka Tirsan Dowladda

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa xariga loo geystay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kaasoo shalay gaarey magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, halkaasi oo ay ku xireen Xoogaga amaanka ee maamulkaasi….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Safarka Xildhibaan Dhuxulow ayuu salka ku hayo arrimo la xiriira shirkad Jarmal ah oo Hargeysa ka howlgasha, isla markaasna ku martiqaaday si uu uga qeyb galo seminar, waana sababta keentay in uu Hargeysa tago sida warar hoose ay sheegayaan.

Xildhibaanka ayaa markii uu ka dagay Garoonka waxaa gacanta ku dhigay Xoogaga Amaanka Hargeysa, kuwaasoo la sheegay in ay xabsiga u dhigeen, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku adan Xariga Xildhibaanka.

Sidoo kale warar la helayo waxaa ay sheegayan in Xildhibaanka dib loogu soo tarxiili doono Magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa in ay jiraan arrimo kale oo uu Hargeysa u tagay Xildhibaanka, kuwaasoo ay mid tahay inuu transit ku ahaa Garoonkaasi.

75780cookie-checkFaahfaahin Laga Helay Xariga Xildhibaan Ka Tirsan Dowladda