Qarax-Miino Oo Khasaare Geystay Kana Dhacay Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax-Miino oo khasaare nafeed geystay ayaa caawa ka dhacay agagaarka Isgoeyska 4-Km Ee Magaalada Mogadishu, iyadoo la la beegsaday Gaari kuwo aan Xabada karin Toyota Land Cruiser (Bullet-proof )….

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan ayaa ku geeriyooday Hal qof 3-kalena Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, waxeyna saarnaayeen Mooto Bishaan,waxaana loo la cararay Isbitaalada Magaalada Mogadishu.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Gaariga la beegsaday ay wateen Ciidamada Boliiska Ee sida gaarka ah u tababaran (Haramcad), Qaraxuna Waxaa la sheegay inuu dhacay, iyadoo Gaarigaan uu maraayay inta u dhaxeysa Isbaarada laga ilaaliyo Amniga Garoonka iyo Isgoeyska 4-km.

Falalka Amaan darrada ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay la sheegay iney Sare u kaceen, iyadoo hadda Uu Dalka qarka u saaran yahay Firaaqo Daatuuri ah maadaama aan weli laga heahiinin Khilaafka Doorashooyinka.

92710cookie-checkQarax-Miino Oo Khasaare Geystay Kana Dhacay Mogadishu