Qarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Konfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay magaalada gudaheeda, gaar ahaana dhanka Koonfurta ee magaaladaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay halka ay ka baxaan Gaadiidka ee loo yaqaano Astaan Golol, iyadoo qaraxaasi lala beegsaday Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mr.Abdirahman Sheikh Hassan., kaasoo dhaawacyo ay ka soo gaareen, waxaana la sheegay in qaraxu ahaa Miino dhulka lagu aasay, iyadoo laga maqlay goobta qaraxa rasaad xoogan, waxaana lagu aasay xarunta Drgmada Gaalkacyo agteeda.

#LaSoco Wixii Ku soo Kordha#

78660cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo