Maamulka Somaliland & Shirkadda DSF Gobol Oo lagu Eedeeyay baafinta Warar xaqiiqda ka Fog,

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulka Muuse Biixi oo u xil saaray Shirkad laga leeyahay Dalka UK laguna magacaabo DSF Gobol ay u xil saartay iney galaangal ka galaan sidii Warbixino been abuur ah loogu gudbin lahaa Dowladda Mareykanka kuna aadan colaada ka aloosan magaalada Laas caanood…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxda Shirkadda kor ku xusan Mr.Joshua Gross oo u ololeeya aqoonsi u raadinta Maamulka Somaliland, isla markaasna uu faafiyo warar been abuur ah oo ka dhan ah Madaxbanaanida Qaranka Somalia.

Mr.Gross ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay iney 500-Ciidamada Dowlada Federaalka u dirtay Dagaalada Magaalada Laascaanood kuwaasoo ka tirsan Ciidamada Danab, Gorgor iyo Haramcad, iyagoo ka barbar dagaalamaaya kooxda argagixisada Shababka, waxeyna khiyaameeyeen aragtida guud ee diidmada ah ee ay wadaagasn Maamulka Somaliland iyo Kooxda Shababka ee lidiga ku ah Midnimada Somalia ayuu yiri Mr.Gross.

246910cookie-checkMaamulka Somaliland & Shirkadda DSF Gobol Oo lagu Eedeeyay baafinta Warar xaqiiqda ka Fog,