Khilaafka Diiwaan-gelinta Doorashada Puntland oo la Horgeeyay Golaha Amaanka

Somalia news

Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia Mrs.Kiki Gbeho ayaa warbixin u gudbisay Kulankii Golaha Amaanka ee QM ku soo qaaday diiwaangelinta doorashada lagu muransan yahay ee laga diyaarinaayo degaano ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, kaasoo laga cabsi qabo inuu gacan ka hadal isku bedelo…

Warbixintaan oo nuqul ka mid ah Warsidahaan helay ayaa tilmaamaya inuu jiro khilaaf xoogan oo hareeyay qaabka loo maareeyay Diiwaangelinta, iyadoo ay diidmo xoogan ay ka muujiyeen qaar ka mid ah Xisbiyada beeleysan ee ka dhisan Puntland, isla markaasna Xoogaga Amaanka ay saameyn ku yeesheen howlaha Diiwaangelinta.

Mrs.Kiki ayaa sheegtay “in degaanada Puntland ay si gaabis ah uga socdaan isku diyaarinta Doorashada Golayaasha degaanka, inkastoo uu dib u dhac ku yimid howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee wajiga hore loo qorsheeyay iney dhacaan 5-tii December lana bilaabay 5-tii Janaayo sanadkaan, dib u dhacana lagu sababeeyay mugga khilaafka taagan.

Mrs.Kiki ayaa xustay in Gobolka Nugaal Maamulka Deni uu isku dayay inuu qaab Juujuub ah iyo qori caaradiis kaga hirgeliyo diiwaangelinta balse ku guuldaeeystay, waxaana ka soo horjeystay Dadka degaanka iyo Ciidamo hubeysan, wada hadalana ay ka yeesheen Maamulja iyo Xisbiyada Mucaaradka ku soo dhamaadeen natiijo la’aan.

243630cookie-checkKhilaafka Diiwaan-gelinta Doorashada Puntland oo la Horgeeyay Golaha Amaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com