Horjoogihii Kooxda Daacishta Ee Galbeedka Afrika Oo Dhintay

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xogo uu bixiyay Sarkaalka ugu sarreeya Ciidamada Nigeria oo Khamiistii shalay sheegay in Horjoogahii (Muscab al-Barnawi) Kooxda argagixisada (khilaafada Islaamiga ah) ee dagaalada ka wada dalalka Galbeedka Afrika (ISWAP) uu dhintay, kadib markii iska horimaad hubeysan uu dhex maray Maleeshiyaadka iyo Ciidamada Dalka Nigeria…

Kooxda Argagixisada (ISWAP) waa garab ka mid ah kooxda fallaagada ah ee Boko Haram oo la dagaallameysay Ciidamada qalabka sida ee Nigeria 12 sano. Labada kooxood ee dableyda ah ayaa markii dambe isku dhacay, Iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha kacdoonka wada iyo ciidamada qalabka sida ee Nigeria, oo sidoo kale ku fiday dalalka dariska ah ee Chad iyo Cameroon, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 300,000 oo qof, waxey marmar qaarkood afduubtaan Gabdhaha Ardayda Dugsiyada Waxbarashada.

“Waxaan si rasmi ah u xaqiijin karaa inuu dhintay Abuu Muscab,” Lucky Irabor, oo ah madaxa shaqaalaha difaaca, ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Villa ee Abuja, isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan, Wargeyska Daily Trust oo ka soo baxa waqooyiga Nigeria ayaa qoray in Al-Barnawi uu dhintay dabayaaqadii bishii August, isagoo soo xiganaya ilo aan la garanayn. Wuxuu sheegay in ilo kala duwan ay bixiyeen warbixino kala duwan oo ku saabsan sida uu u dhintay Horjoogaha ISWAP.

Al-Barnawi wuxuu ahaa hoggaamiyihii saddexaad ee koox Islaamiyiin ah oo kacdoon ka wada Galbeedka Afrika oo dhinta sannadkan, ka dib Abubakar Shekau oo ka tirsan Boko Haram bishii May iyo Adnan Abu Walid al-Sahrawi oo ka tirsan Dawladda Islaamiga ah ee Saxaraha Weyn (ISGS).

145990cookie-checkHorjoogihii Kooxda Daacishta Ee Galbeedka Afrika Oo Dhintay