Ma Dhabaa in Madaxweynihii hore uu Kulamo Siyaasadeed ka wado Mogadishu

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Guriga uu ka degan yahay Magaalada Mogadishu Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka wado dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu ku dhisaayo Xisbi siyaasadeed cusub, wuxuuna u wadaa si hoose…

Kulamadaan ayaa la tilmaamay iney ka qeyb galeen Xubno kala duwan, iyagoo nala wadaagay dhowr qodob oo uu inta badan Farmaajo diirradda saarayay kuwaasoo kala ah:-

-Dadka uu la kulmo oo beelaha Muqdisho u badan markii aan gooni gooni ula hadlay, isaga oo kuwa markaas la jooga is xijinaya, Tusaale ahaan, dad beesha Mudullood u dhashay waxa ay noo sheegeen inuu aad uga cabanayay beesha Habargidir, halka qola Habargidir ahna ay ku warrameen inuu odaygu si xooggan u dhaleeceynayay Abgaal, isaga oo dhahaaya “Abgaal waxay igu diideen inaan Habargidir Raysalwasaare ka dhigtay, Rooblena waa kaas nin aanan reerkiisa ahayn u ololeeyay ee maxaad faa’iiddeen?”

-Wuxuu isku dayay inuu dadka uu la kulmay ka qanciyo qaladaadkii Maamulkiisa galay.

-Wuxuu sheegay in Guuldarradiisii qeyb ka mid ah isagoo ku eedeeyay Qorqor iyo Guudlaawe,wuxuuna ugu abaal sheegtay inuu nimankaas siiyay xilal aysan u qalmin, balse ay ku abaal-dhaceen oo ka shaqeeyeen inuu isagu kursiga waayo.

-Khilaafka Gedo oo uu ka hadlay wuxuu ku tilmaamay inay tahay caqabad weligeed jiri doonta oo Madaxweyne Xasan Sheekhna uu la kulmi doono

Marka si qoto dheer loo odorroso kulamada Farmaajo ee waxgaradka Beelaha Muqdisho waxaa soo baxaya inuu abuurayo kala shaki ku talagal ah si ay u saameyso siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo hada geed fadhi u yihiin Siyaasiyiinta Xisbigiisa.

204530cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynihii hore uu Kulamo Siyaasadeed ka wado Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com