Gobolada Dhexe & Hiiraan oo Laga Dareemay Abaabulka iska Caabinta Argagixisada Shababka

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in abaabul xoogan & kicin ay ka bilaawdeen Degaanada Gobolada Dhexe & Hiiraan, kadib markii kooxaha argigixisada Shababka ay Burburiyeen Guryo, Ceelal, Baraagado iyo Taawarada Isgaarsiinta ee degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan & Galguduud…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Beelo badan oo iskood isku abaabulay ay hubka u qaateen sidii kooxda Nabad-diidka ah ee Shababka looga sifeyn lahaa degaanada kor ku xusan, waxaana la sheegay Caasimada, Dalka Dibadiisa iyo Degaano kale laga abaabulay Dhaqaale uruurin, waxaana xiligaan aan tumaayaa Durbaanka Dagaal ee looga soo horjeeda Kooxdaan oo dhibaato weyn ku heysa Nololsha Dadka Rayidka ah.

Inkastoo ay jiraan Kooxo dano gaar leh oo ka soo horjeeda Abaabulka, hadana waxey mudan yihiin Qeybaha kala duwan ee Beelaha hubka qaatay taageero maadi ah si ay u xoreeyaan degaanadooda, Dowladda Federaalka kuwa Gobolada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa muuqata abaabul hooseeya oo ay ku taageerayaan Beelaha hubka qaatay.

Khubarada ka faalooday arrimaha argagixisada ayaa ka digay hadii ay kooxda argagixisada Shababka ka adkaato Qabaa’iilada ka gadooday ficiladooda gurcan, wuxuu dharab jab maskaxeed ku keeni doonaa mustaqbalka dhow abaabul beeleed ka dhan ah Kooxda argagixasada Shababka, Dowlada Federaalka & kuwa Gobolada waa iney taageero hiil iyo hooba oo deg deg u fidisaa kana faa’iideysataa dabeysha socota.

212230cookie-checkGobolada Dhexe & Hiiraan oo Laga Dareemay Abaabulka iska Caabinta Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com