Maxaa Ka Dhab Ah In Dib U Eegis Lagu Sameynaayo Heahiiskii Doorashada

Somalia news

Warar hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa dejiyay qorshe cusub oo lagu soo kordhinayo Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somalia gaar ahaan Golaha Shacabka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in 2-da Madaxweyne Ee Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada qorshe cusub ay ku doonayaan in Degaan Doorashada wax laga bedelo, iyadoo Kulanka Kismaayo uu noqon doono Ajandayaasha ugu weyn Ee wax looga bedelay Heshiiskii 17-kii September, gaar ahaan Kan Xildhibaanada Golaha Shacbiga laguna qabto hal magaalo xilli horay loogu asteeyey min labo magaalo.

Qorshaha cusub ee Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya inay doorashada ku qabtaan Kismaayo Jowhar ayna meesha ka saaraan Garbahaare iyo Beledweyne oo aysan labada maamul awood muuqata ku lahayna kana cabsi qabaan in laga soo saaro xubno aysan ku qanacsanayn.

Qorshaan waxaa durba ka qayliyey Musharixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee reer Gedo gaar ahaan kuwa ka socda dhanka Villa Somalia oo u badan shaqaale katirsan dowladda federalka ah iyo Taageerayaasha Farmaajo.

124630cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah In Dib U Eegis Lagu Sameynaayo Heahiiskii Doorashada