Maxaa ka Run ah In Account-yo Xisaabeed ay Dowlada Federaalka Xanibtay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in tiro badan oo Account/yo ay ku jiraan dhowr Millions US$ ah ayaa Dowladda Federaalka ay xanibaad saartay, kadib markii looga shakiyay iney daaha gadaashiisa ka maamulanayeen Kooxda Argagixisada Shababka..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in ilaa 13-millions US$ ah oo ku jirtay Account Bangi ka mid ah ku magaalada oo aan Magac laheyn la qabtay isla markaasna la xanibay, waxaana la sheegay in tiro shaqaalaha Bangiyada la xiray si su’aalo looga weydiiyo sababta ay Account magac la’aan u noqotay, isla markaasna dhaqdhaqaaq xisaabeed uu caadi ahaa dhanka ku shubida iyi kala bixidaba.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay “In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaasoo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta.”

Dhanka kale Ilo wareedyo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shirkadda Dahabshiil iyo Horjoogayaasha Kooxda Shababka uu khikaaf soo kala dhex galay, kadib markii Maamulka Dahabshiil la weydistay iney canshuurta 2-sano hormaris bixiyaan, Maamulka ayaa ka biyi diiday taasoo savabta in Shaqaalaha Shirkadda intooda badan loo rari magaalada Hargeysa si loo badbaadiyo naftooda.

223780cookie-checkMaxaa ka Run ah In Account-yo Xisaabeed ay Dowlada Federaalka Xanibtay