Diiwaanta Gelinta Nidaamka Diyaaradaha Oo Laga Hirgeliyay Somalia

Somalia news

Xaflad ay soo Agasintay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay garoonka diyaaradaha Mogadishu, ayaa Maanta xariga laga jaray, iyadoo Mas’uuliyiinta Hey’adda ay sheegeen iney si rasmi ah u bilaabeen diiwaan gelinta Shirkadaha Diyaaradaha iyo tirada howlwadeenada ka howlgala….

Agaasimaha Hey’adda Mr.Axmed Macallin Xasan ayaa tibaaxay in daahfurka nidaamkaan uu daaran yahay si loo hubiyo badqabka diyaaradaha iyo Muwaadiniinta ay soo iibsan karaan Diyaarado ay ruqsad I helaan, wuxuuna intaasi raaciyay iney ruqsad sii teen Labadii diyaaradood Ee ugu horeeyay.

Sida laga soo xigtay Prof.Kabire, Nidaamkaan ayaa waxey ka mid aheyd shuruudihii ay Somalia kula soo wareegtay Maamulka hawada dalka oo kol hore laga maamuli jiray Kenya, iyadoo Hey’adda ICAO ay hageysa 25-tii sano Ee ugu dambeysay.

Inkastoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday uu dhameystiray geedi socodka la wareegida Hawada Dalka, haddana wuxuu ahaa nidaam ay ka soo wada shaqeeeyeen Maamuladii kan ka horeeyay, taasoo la macno ah in libinta aysan Maamulka Farmaajo uusan wada sheegan karin.

94450cookie-checkDiiwaanta Gelinta Nidaamka Diyaaradaha Oo Laga Hirgeliyay Somalia