Qodobada Burburka U Horseeday Kulankii Teendhada Afisioni

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qodobada la isku mari waayay iyo kuwa la isla meel dhigay waxeyna kala yihiin sida hoos ku xusan…

Waxaa isku soo dhowaansho laga muujiyay in:

1- Beesha caalamku damiin ( grantore) ka noqoto heshiiska fulintiisana ay damaand qaado
2- in Guddiga doorashada la beddelo.
3- In furitaanka Shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda sida Madaxweynayaashi hore Guddoomiyeyaasha labada aqal.

Qodobada la isku fahmi waayay oo shirka fashiliyay:

1- Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubaland.

Qodobkaan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay Madaxweynaha, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu shalay la kulmay ka socday odayaal ka soo jeeda Gedo

2- in amniga doorashada cidda qaadaneysa laga wadahadlo, Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in Xukuumadda loo dhiibo, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu diiday awoodda amni iyo maamul ee doorashada

108810cookie-checkQodobada Burburka U Horseeday Kulankii Teendhada Afisioni