Dhaqaalihii Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo Arrimo Siyaasadeed loo Isticmaaley..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysa in bilowgii sanadkan 2023 ayaa waxaa la bilaabay dhismaha garoonka Kubadda cagta ee Boosaaso kadib markii UAE ay ku deeqdey dhaqaalaha Garoonka ku baxaaya, iyadoo ilo wareedyo ay sheegayaan in Dhaqaalahaasi arrimo siyaasadeed loo adeegsaday…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso uu si gaar ah Mr.Deni u wakiishey Agaasimaha Xoogaga PMPF Cabdirabi Cabdisamad Aw-Maxamed, iyadoo Dhaqaalahaasi lagala baxay Accountiga bishii Luuliyo Sanadkaan lana geeyay Magaalada Garoowe si loogu qeybiyo Xildhibaanada iney meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka iyo Xisbiyada Taageersan Maamulka Puntland.

Iyadoo Si loo dardar geliyay Dhismaha Garoonka la sheegay in tiro badan oo Guryo ah la dumiyay si loo balaariyo Dhismaha Garoonka ciyaaraha, mashruuca Qandaraaska dhismaha ayaa waxaa la siiyay Shirkad uu iska leeyahay Agaasime Cabdirabbi Cabdisamad sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah, waana ayaan darro in dhaqaalaha arrimaha bulshada loogu tala galay ee dhismaha garoomada loo isticmaalo arrimo siyaasadeed oo lagu bixiyo laaluush ayaa noqoneysa mid taariikhda gashey.

277790cookie-checkDhaqaalihii Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo Arrimo Siyaasadeed loo Isticmaaley..