Dil Xalay Loogu Geystay Laba Muwaadin Oo Soomaali ah kana Dhacay Dalka Konfur Africa..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dalka Konfur Africa ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalkaasi ay xalay Magaalada Rustenburg ku dileen laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo ahaa sida la sheegay Wiil iyo Abtigiis…

Wararka ayaa sheegay in Allaha u naxariiste labada Muwaadin ee xalay burcada hubeysan ay ku dileen goobtooda ganacsi lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxiin Xasan Cali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim, iyadoo ay Ciidamo ka tirsan Boliiska dalkaasi ay dilka kadib gaaray goobta falku ka dhacay, kuwaasoo sameeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal tixano ah oo joogta noqday looguna geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaasi ilaa haatana aysan jirin cid wax ka qabaneysa, Bilaha ugu dambeeya sanad kasta Dalkaasi waxaa lagu dilay tirada ugu badan ee Ganacsatada Soomaaliyeed, maadama burcada ay doonayan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan maalmaha Kirismiska, taasoo keenta iney burcada kordhiyaan dhaca iyo dilalka ay ku hayaan Soomaalida.

291370cookie-checkDil Xalay Loogu Geystay Laba Muwaadin Oo Soomaali ah kana Dhacay Dalka Konfur Africa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com