Golaha Amaanka Oo Cusbooneysiiyay Cunaqabateynta Hubka Somalia..

Somalia news

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saarnayd Dalka Somalia, ilaa dhammaadka sanadkan, Qaraarkaan cusub ee UNSC ayaa wuxuu gudiga la socodka cunaqabateynta siinayaa awoodo cusub, oo ay kaga soo Talo bixinayaan, kuna kormeerayaan Hubka iyo Rasaasta horey loo loogu deeqay Dowladda Federaalka, sidii loo xakameyn lahaa, loona ogaan lahaa gacanta ay galeen.

Dowladda Federaalka ayaa rajeyneysa in laga qaado cunaqabateynta oo saarneyd ilaa sanadkii 1991-gii, kadib markii ay burburtay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii, muddo 13-sano ayeey Dowlada wakhti iyo juhdi badan gelisay sidii loogaa qaadi lahaa Cunaqabateyna inkastoo la qafiifiyay hadana go’aan Golaha Amaanka ayaa sii xoojiyay. Fiiri Lifaaqa Go’aanka.

288590cookie-checkGolaha Amaanka Oo Cusbooneysiiyay Cunaqabateynta Hubka Somalia..