Ma Dhabaa in Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad ay Wada Tashiyo ka Leeyihiin Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ay maalmahaan qaateen kulan wada tashi ah oo salka ku haya Qorshe la isku shaandheynaayo Golaha Wasiirada oo ka kooban Urur-Diimeedyada Demu jadiid iyo Daljir, soona wada shaqeeyay muddo sanad iyo dheeraad…

Xogtaan ayaa sheegtay in Wasiirada Garsoorka, Arrimaha Dibeda, Amniga, Gudaha iyo Gaashandhiga xilalkooda laga qaadi doono, iyadoo lagu wado in lagu bedelo xubno cusub, Gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa la sheegay in loo magacaabi doono Agaasimaha NISA halka Mas’uul hore oo ka soo jeeda Beesha Ayasnle Sacad loo qorsheeyay in loo magacaabo Agaasimaha NISA.

Sidoo kale Wasiiro Dowlaha Madaxtootada iyo kan Wasaarada Arrimaha Dibeda ayaa la isku bedeli doonaa, iyadoo xogtu ay intaasi raacisay in arrinta isku shaandheynta aheyd mid aad isku soo tareysa inkastoo Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad aysan ka gaarin heshiis rasmi ah blase wada tashiyada ay ahaayeen kuwo hordhac ah ayna dhici karto in dhawaan lagu dhawaaqo.

282230cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad ay Wada Tashiyo ka Leeyihiin Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com