Madaxtooyada Oo soo Dhameystirtay Xulashada Xubnaha Maamulka Cusub ee Gobolka Benadir

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Xarunta Villa Somalia ka socday dhaqdhaqaaq ku aadan xulashada Gudoomiyaha, Duqa magaalada kuxigeenadiisa, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda lagu wado in lagu dhawaaqo Maamulka cusub ee Gobolka Benaadir..

Xogtaan ayaa xaqiijisady in Kaadiriinta Xisbiga UPD ayaa lagu wadaa iney ka soo muuqan doonaan jagooyinka muhiimka ah ee Maamulka Gobolka Benaadir, waxaana la saadaalinayaa inuu mar kale qaban doono Jagada Gudoomiyaha & Duqa magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Gudoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada loo magacaabi doonaa magaciisa lagu soo koobaay Dhoore, Halka Kuxigeenka Maaliyada loo magacaabayo Ciise Guure, sidoo kale Shukri Maxamuud Afrax loo magacaabi doono Gudoomiye kuxigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Ee Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu mar kale noqdo Iimaan Nuur Iikar, waxaa la sheegay in Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Maaliyada iyaguna ay qaateen Taageerayaal ka ka tirsan Xisbiga UPD.

212200cookie-checkMadaxtooyada Oo soo Dhameystirtay Xulashada Xubnaha Maamulka Cusub ee Gobolka Benadir