Ma Dhabaa in Dowladda Qorsheyneyso in Xaalad Deg deg ah Dalka Lagu soo Rogo

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaamaya in si hoose ay u socdaan dadaalo lagu doonaayo in muddo la hakiyo howlaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka isla markaasna Dalka lagu soo rogi Bandow iyo Amar deg deg ah si xooga loo saaro Kacdoonka looga xoreynaayo Dalka Kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa si hoose ugu sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Qorshahan aan wali soo shaac-bixin ayaa loo cuskanayaa dagaalada ka dhanka ah kooxda Shabaab iyo xaaladaha degdegta ah ee dowladda doonayso in ay dalka kusoo rogto inta dagaalkaasi dhan u dhacayo.

Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa Todobaad ka hor waxay soo saareen go’aan quseeya Ganacsatada, Warbaahinta, Notayayaasha iyo Shirkadaha Diyaaradaha kuwaasoo dhamaantood saamayn iyo xiriir hoose la lahaa Kooxaha Argagixisada, iyadaoo durba xabsiga loo dhigay Tiro Ganacsato ah iyo Wariye.

Khubarada arrimaha gudaha ayaa farta ku goday Bandowgaan uu saameyn ku yeelan karo, goobaha Cibaadada, Dugsiyada Waxbarashada iyo waliba dhanka socdaalka. Dadka dhaliila dowladda waxa ay sheegayaan in haddii laga dhabeeyo go’aanka hakinta kulamada Baarlamaanka, in gebi ahaanba ay meesha ka baxayso kaalintii la xisaabtanka dowladda, iyadoo dhawaan uun ahayd markii dowladda ay kala dirtay guddiyadii la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kii adeegga garsoorka.

Dowlad Goboleedyada qaar ayaa wararku sheegayaan in aysan la dhacsanayn go’aanka hakinta Dowladda, la tashina ugu yeeri doonaan Xildhibaanada dhankooda laga soo doorto haddii ay taasi dhacdo.

219030cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Qorsheyneyso in Xaalad Deg deg ah Dalka Lagu soo Rogo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com