Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug & Xubno Xildhibaano ah ayas lagu wadaa inuu Safar degdeg ah ku gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo warar is khilaafasan ay ka soo baxaayaan Arrimaha Safarka…
Wararka ayaa sheegaya in Dad badan oo siyaasadda waayo joog u soo ahaa waxay isku xirayaan marxalada xiligaan taagan la taagan yahay inay la mid tahay sidii tii bilowgii hore ee dowladdii KMG ee Kenya lagu soo dhisay.
Waxeyna u muuqataa in Isbaheysi cusub oo qaab jabhadeyn ah lagu karkarin doono magaalada Baydhabo, waxaana lagu wadaa iney halkaasi gaaraan Madaxyada buurta Kooxda Villa Somalia iyo qaar kale oo la tuhusan yahay iney xiriir hoose la leeyihiin Farmaajo & Fahad.
Warar kale ayaa sheegaya in Safarka Qorqor ay ku wehliyaan Mahad Salaad, Sanbaloolshe, Mahad Cawad & Cabdi Axmed Dhegdheet, waxaana la is weydiinayaa safarkaan ma noqon doonaa mid xaliya Caqabadaha ka taagan Doorashada mise wuxuu noqon doonaa mid xaalada uga sii dara.