Prof.Jawaari:-Xildhibaanada KGS looma joojinaayo Doorashada

Somalia news

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari], oo Madaxweynaha Koofur galbeed iyo Madaxtooyada Somalia, ka hor istaageen inuu u tartamo kursiga HOP103, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in haddii (Quorum) guntanka Baarlamaanku buuxsamo la qaban karo doorashada Guddoonka Golayaasha…

Prof.Jawaari, wuxuu sheegay in maadaama uu hadda buuxsamay guntanka Golayaasha, aysan jirin sabab loo sugo Xildhibaannada maamulka KGS, ee Cabdicasiis Laftagareen ku xayiray Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in Dastuurka dalka u yaalla, uu ogolaanayo in wixii xilligaan ka dambeys loo dareeyo doorashada Guddoomiyayaasha Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan, wuxuu si la mid ah kuraasta KGS, sheegay in aysan muhiim ahayn in loo xayirnaado 16-ka kursi ee taalla gobolka Gedo, oo dadkii lahaa diideen iney doortaan iyo afarta kursi ee Guddiga FEIT diideen in la ansixiyo natiijada doorashadooda, maadaana markii hore lagu doortay sifo baalmarsan habraacyada doorashada.

Jawaari, wuxuu Maamulkii Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo hoggaaminayeen, ku diiday sharciyeynta dhiibistii Qalbi-dhagax, iyo in ururka ONLF, lagu daro Liiska Argagaxisada, taas oo sababtay in si qasab looga tuuro xilkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Apr 9, 2018, isla-markaana hadda laga hor istaago inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka.

180830cookie-checkProf.Jawaari:-Xildhibaanada KGS looma joojinaayo Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com