Rooble Oo Kulan la yeeshay Sentarada & Xildhibaanada Gobolada Waqooyiga Dalka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Xil gaarsiinta ayaa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Senatorada & Xldhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland ka soo jeeda oo blihii iyi todobaadyadii ugu dambeeyay lagu doortay magaalada Mogadishu…

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.”

Laba maalmood ka hor ayaa Muqdisho lagu doortay 3-dii xildhibaan uu dambeysay doorashada kuraasta labada Aqal ee gobollada waqooyi, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 11-Senator & 47-Xildhibaan, waxayna dhamaan xubnihii la doortay caawa ka soo muuqdeen casho sharafta uu u sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

171260cookie-checkRooble Oo Kulan la yeeshay Sentarada & Xildhibaanada Gobolada Waqooyiga Dalka