Qorqor Oo Ka Carooday Gurmad La’aanta Dowladda Federaalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Kulan dood adag ka dhalatay Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mr.Qorqor, Kulankaan ayaa looga dooday dagaalada Gobolka Mudug Ee Kooxda argagixisada…

Kulankaan Garnaqsiga ahaa ayaa Mr.Qorqor ku Eedeeyay Mr.Farmaajo inuu bixiyay amarka dib loogu celiyay 200 Oo Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo fariisin ku lahaa Tuulada Caado-kibir, talaabadaan oo ay ka faa’iideysteen Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka kuwaasoo weeraray 17-kii Bishaan Tuulada Qeydcad iyo 24-kii Bishaan Ee degaanka Camaara.

Xogo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news Ayaa xaqiijiyay in Mr.Qorqor uu ka codsaday Dowladda Federaalka iney gurmad Ciidan, Gaadiid dagaal iyo saad la gaarsiiyo Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Maleeshiyaadka degaanka, nasiib darro Farmaajo ayaa u deyriyay una cadeeyay in xiligaan codsigiisa la fulin karin.

Kulankaan ayaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, wuxuuna ku soo beegmay xili todobaad gudahood dagaal khasaare balaaran la gaarsiyay Ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug iyo Maleeshiyaad taageersan, kuwaasoo dib ugu gurtay degaanka Wisil oo 60-km u jirta Degmada Hobyo

137620cookie-checkQorqor Oo Ka Carooday Gurmad La’aanta Dowladda Federaalka