Madaxa Sirdoonka Ethiopia Oo Ku Hanjabay Iney Burburin Doonaan..

Africa News

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Ethiopia (NISS), ayaa wacad ku maray inuu burburin doono Dagaalamaayasha Hubeysan ee Kooxaha Tigray Defense Forces Ee Gobolka Tigray, kuwaasoo dagaalo xoogan ka wada Gobolada Amxaarada iyo Cafarta, isla markaasna qabsaday degaano..

Mr.Temsegen Tiruneh oo horey u ahaa madaxa Maamulka Gobolka Amxaarada, ayaa ku eedeeyay Dowlado uusan magacaabin iney qeyb ka yihiin Dagaalada Kooxda hubeysan Ee Tigray, kuwaasoo u fidiya taageero isugu jira Saad iyo Saanad.

Wuxuu ku eedeeyay Dagaalamayaasha Kooxaha Hubeysan Ee Tigray iney xasuuq ka wadaa Gobolada Amharada iyo Cafarta, isla markaasna barakicyay Dadka Rayidka ahaa Ee Degaanadaasi ku noolaa, isagoo sheegay iney Maamulka Addis abeba ay burburin doonaan Xoogaga Hubeysan ee Tigray.

137580cookie-checkMadaxa Sirdoonka Ethiopia Oo Ku Hanjabay Iney Burburin Doonaan..