Kooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku qaaday Degaanka Qaayib ee Gobolka Galgudud

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Qaa’ib ee ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Kooxda argagixisada ay saakay aroortii weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka waxaana ka soo baxaaya warar kala duwan…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka lagu soo weeraray 3-gadiid qaraxyo laga buuxiyay, waxeyna doonaayeen iney qabsadaan degaanka, Saraakiisha Dowlada ayaa sheegtay iney fashiliyeen weerarkaan, inkastoo ismiidamintaasi ay khasaaro dhaliyeen.

Deegaanka Qaayib oo ay ku wada sugnaayeen Ciidamo isku dhaf ah (Beelaha Saleyman iyo Duduble) kuwaasoo taageero ka helaayay Ciidamada Dowlada Federaalka, ayaa Dad badan isweydiinayaan Sababta Bilo iyo todobaadyo badan ay degaanka difaac uga jiraan, isla markaasna ay weerar u qaadi la’yihiin waana markii 2aad ay Kooxda Argagixisadu weerar ku qaadaan degaanka.

227210cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku qaaday Degaanka Qaayib ee Gobolka Galgudud