Wararka Been-Abuurka Oo Dhibaato Xoogan Ku Haya Amaanka & Doorashada

Somalia news

Waxaa bilihii ugu dambeeyay aad u soo kordhaayay Warar aan la sifeyn oo lagu soo yaaciyay Baraha Bulshada si loo jiho wareeriyo Shacbiga Soomaaliyeed inta lagu guda jiro xiliga xulashada dadban (Doorashada), ilahaan ayaa intooda badan la xaqiijyay ineysan xaqiiqda ku fadhin…

Shacbiga ayaa in muddo ah la daala dhacaayay kala saarida wararkaan ku-tiri-ku-teenka ah (Miss-information-Dis-information) & kuwa dhabta ah( Genuine information) gaar ahaan Dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Doorashada, maadama uu xiligaan Dalku ku guda jiro Xulasho dadban, si loo jahwareeriyo Shacbiga oo xaqiiqda dhabta ahna looga weeciyo.

Dalkaan ayaa muddo badan la daaladhacaayay Amaan darro, Abaaro, Biyo la’aan iyo dhaqaale yare, ayaa lagu wadaa in 25-ka bishaan la soo dhameystiro Doorashada dadban ee ku dhisan Nidaamka 4,5, iyadoo ilaa haatan la soo xushay ku dhowaad 130-Xildhibaan oo ka mid ah 275-mudane ee Baarlamaanka Federaalka.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay howsho Doorashada ku dhowdahay gebogebo, ayaa waxaa aad u sii kordhaaya faafinta marin Habaabinta iyo Dacaayadaha laga faafiaayo garabyada iska soo horjeeda ee tartanka ku jira, kuwaasoo khatar gelin kara Amaanka jilicsan iyo xasiloonida siyaasada dalka, iyadoo faafinta wararka been abuurka ah uu xiligaan khatar weyn ku hayo guud ahaan aduunka gaar ahaan Somalia, iyadoo la dhistay kooxo ka macaasha faafinta naceybka kala duwan ee ku dhisan danaha gaar ahaaneed.

Ayaan darrada ugu weyn ayaa ah ilaa hadda ma jiraan Xeer ama sharci xakameynaaya waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada, Shacbiga Soomaaliyeed si fudud ayeey xiligaan u heli karaan Internet jaban & Mobile-da casriga ah, iyadoo Garabyada siyaasada ay dhisteen Kooxo dhalinyaro ah oo u faafiya warar been abuur ah si faa’iido siyaasadeed u helin.

168600cookie-checkWararka Been-Abuurka Oo Dhibaato Xoogan Ku Haya Amaanka & Doorashada