Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Iska Soo Horjeeda Oo Ka Taagan Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Ciidamadii Mucaaradka ahaa ee kasoo horjeeday muddo korarsiga Farmaajo ee ku sugnaa aagga Waddada Cabdi Qaasim ayaa u guuray Xaafadda Siigaale ee magaaladda Muqdisho, halka kuwa Madaxtooyada ay isku hareereeyeen Ciidamo iyo Dhagxaan…

Ilo Xog-Ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in xaafaddaha Siigaale, Dabka ilaa Sayidka oo u dhaw Madaxtoyadda lagu arkayo Ciidamada Milliteriga ah ee kasoo horjeeda Farmaajo oo halkaas ku sugan, kuwaas oo wata gawaarida dagaalka iyo hubka Noocyadiisa kala duwan.

Ciidamadii Millateriga ahaa ee kasoo horjeeday muddo korarsiga Farmaajo ee ku sugnaa aagga Waddada Cabdi Qaasim ayaa u guuray Xaafadda Siigaale ee magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale Waddooyinka gala Madaxtooyadda ayaa dhammaan lagu xiray dhagaxaanta dhufeyska ah, kaddib markii Ciidamo fara badan oo Millateriga ka gadoodsan muddo korarsiga Farmaajo ay kasoo ag dhawaadeen Qaar kalena ay horay usii joogeen.

114600cookie-checkDhaqdhaqaaq Ciidan Oo Iska Soo Horjeeda Oo Ka Taagan Mogadishu