Qorshaha Burburinta Jubbaland Ee Villa Somalia & Kulamada Laga Wado Mogadishu

Somalia news

Iyadoo maanta dib loo bilaabay Wada hadaladii ka socday Teendhada Afisioni, ayaa dhinaca kale wuxuu Maamulka Fashilmay ee Farmaajo oo wakhtigii muddo xileedka ka dhamaaday wuxuu ka bilaabay Hoteel Magaalada ku yaal dhaqdhaqaaq dhan ka ah Maamulka Jubbaland, isagoo isugu keenay Koox Odayaal ah…

Qorshahaan dhanka ka ah Dowlad goboleedka Jubbaland Mr.Farmaajo oo markii Hore loo maleynaayay inuu ka tanaasulay kadib markii uu balanqaadyo ka sameeyay ayaa hadda dib u soo cusbooneysiiyay kadib markii uu xaqiiqsaday iney rajadiisa dib u Doorashada ay gaartay heerkii ugu hooseeyay.

Wuxuuna go’aansaday in doonta aysan keligiis la degin, wuxuu ku amray la-taliyayaashiisa in dib loo soo nooleeyo dhismaha iyo yagleelisa maamul isaga taabacsan, waana talaabada ku qasabtay inuu heshiis la galo C/shiid Janan kadibna cafis u fidiyo sharciga iyo dastuurkana u jabiyo si looga ciribtiro Saameynta Sheekh Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulan ay soo qabanqaabisay Villa Somalia ayaa dhex maray Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Odayaal la sheegay iney ka soo jeedaan Degaanada Jubbaland kuwaasoo sheegay iney cabasho ka yihiin Maamulka Jubbaland ayna ka codsadeen Dowladda Federaalka iney Maamul cusub u dhisto.

Farmaajo ayaa aamisan in Wakhtigu ka dhamaanaayo Sheekh Axmed Madoobe 3-bilood kadib, sida lagu qoray wareegtadii Villa Somalia Ee muddo 2-sano loogu oggolaaday Axmed Madoobe Madaxweyne KMG taasoo sharciyad ahaanteeda si adag loo duray, wuxuuna abaabulkaan ku soo aaday xilli la filaayo inuu tanaasulaad ka sameeyo Qodobada la isku hayo Kulanka Teendhada Afisioni.

108630cookie-checkQorshaha Burburinta Jubbaland Ee Villa Somalia & Kulamada Laga Wado Mogadishu