Rabshado & Gacan-ka-hadal ka Dhashay Qorshe uu soo Rogay Maamulka Ethiopia

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe uu soo rogay Maamulka Abiy ee Ethiopia kuna aadan kala dirista Ciidamada Degaanada Maamuulada Gobolada leeyihiin, iyadoo Gobolka Amxaarada ay ka dhaceen Rabshado ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhaawaca…

Wararka ayaa sheegay in Rabshadahaasi intii u socday lagu dilay laba Samafale oo ka howlgalaayay Hey’adda (Catholic Relief Services) kuna sugnaa Gobolka Amxaarada, xili ay dib ugu laabanaayeen Caasimada Addis abeba, lama yaqaano sababta loo beegsaday, balse shilka ayaa ka dhacay degaanka Kobo.

Wararka ayaa sheegay in Qalalaasahaan ayaa ka dhashay go’aan uu Maamulka Addis abeba soo saaray kuna aadan kala dirista Xoogaga Liyuu oo u gaar ahaa 11 Gobol isla markaasna lagu daray kuwa Federaalka, Mr.Abiy ayaa ku adkeystay inuu hirgelin doono Qorshahiisa ku aadan kala dirista Ciidamadaan.

250790cookie-checkRabshado & Gacan-ka-hadal ka Dhashay Qorshe uu soo Rogay Maamulka Ethiopia