Isbaarooyinka Muqdisho iyo Macaashka Laga Heli

Opinion

Warbixino hordhaca ayaa muujinaaya in Saraakiisha Hogaamada Isbaarooyinka Xoogaga amaanka ee inta badan baraha Kontarool iyo xaafadaha Muqdisho, ayaa bilaabay in ay dhaqaale ka sameeyaan Bandawga saaran magaalada….

Baaris iyo u kuur gelid dheer kadib, Waxaa cadaatay in Saraakiisha Taliska Boliiska iyo kuwa Isbaarooyinka ay Dhaqaale ka sameeyaan Lacago joogto ah oo ay ka qaataan gaadiidka qaar ee socda, kuwa waqtiga Bandowga ku dhacay ee raba iney xaroodaan iyo goobaha qanacsiga qaarkood.

Sidoo kale, xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dhalinyaro badan oo la xiray lagu sii daayay lacag u dhaxeysa 10$ ilaa 15$, taas oo ah ganacsi kale oo ay booliska ka abuurteen Bandawga Muqdisho lagu soo rogay.

Dadka ugu badan ee la xiray lagana qaatay lacag si loo sii daayo waxay ahaayeen kuwa lugaynaya oo ka soo baxay masaajidyo, goobo ganacsi iyo kuwa kale oo ka yimid isla magaalada socodna ku ah guryahooda.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa wajahaya dhibaatooyin kale duwan oo ay kala kulmayaan Bandowga iyadoo ay usii dheertahay shaqo la’aan iyo culeeska kale ee magaalada ka jira iyadoo lagu guda jiro bishii barakeesneed ee Ramadaan.

31150cookie-checkIsbaarooyinka Muqdisho iyo Macaashka Laga Heli