Ramadanka Iyo Wakhtiyada Afurka & Suxuurta

Somalia news

Ramadan Kariim, Maanta oo Talaado ah 13-ka April 2021 waa maalinta 1-aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan sanadka 1442 Hijriya, waxaana isku raacay inta badan waddamada Islaamka kadib markii la arkay Bilashada Bisha 9-aad ee Taariikhda Hijriyada….

Dalalka Islaamka waa ay ku kala waqti dheer yihiin muddada ay af xirnaanayeen Saaimiinta, waxaana sabab u ah cirifyada ay kala jiraan in ku kala hormaraan waqtiga kuna kala dheeraadan xiliga ay soomayaan.

Waqtiga Suxuurta oo u dhaw Qorax soo baxa Ilaa Gabbal dhaca (Maqribka) kala kala duwan saacadaha u dhaxeeya dalalkaan oo qaybta hoose ku arki doontid Saacadaha, Daqiiqadaha & il-biriqsiyada, waxaana ay kala yihiin:

Urdun / Jordan oo caasimad u ah (Cammaan) waxaa ugu yaraan laga soomi doonaa 14-saac iyo 47-daqiiqo, waxaana ugu badan 15-saac iyo 39-daqiiqo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo magaalo madax u ah (Riyaad), waqtiga ugu yar ee ay soomi doonaan dadka kunool waa 14-saac iyo 17-daqiiqo, halka waqtiga ugu dheer ay u tahay 14-saac 55-daqiiqo.

Balse waxaa ka waqti kooban Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarrama, waqtiga ugu badan ee laga soomi doono waa 14-saac iyo 5-daqiiqo, waxaana ugu waqti dheer 14-saac iyo 38-daqiiqo.

Somalia, saacadaha ugu gaaban ee laga soomi doono waa 13-saac iyo 28-daqiiqo, waxaana ugu badan 13-saac iyo 34-daqiiqo, Comoros waxaa caasimad u ah (Moroni), saacadaha ugu yar ee ay soomi doonaan dadka kunool waa 12-saac iyo 46-daqiiqo, waxaana ugu badan 12-saac iyo 56-daqiiqo.

110512cookie-checkRamadanka Iyo Wakhtiyada Afurka & Suxuurta