Rasaas loo Adeegsaday Dibad Baxayaal ka Cabanaaya Maamul Xumida Degmada Wardhiigley & Kan Gobolka..

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Banaanbax ay Dad Rayid ah ka dhigaayeen magaalada Mogadishu, iyadoo uu ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacyo kala heer oo uu soo gaaray Dibad baxayaasha, iyadoo lagu Eedeyay Xoogaga Amaanka iney Rasaas u adeegsadeen…

Wararka ayaa sheegay in Qof Rayid ah ayaa ku geeriyooday 3-kalena waa lagu dhaawacay rasaas ay ciidamo kus ugan Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku fureen Dadweyne bannaanbax isugu soo baxay, Dadkan oo ka horjeeday Maamulka Gobolka Banaadir, metelaad la’aan iyo canshuur badan oo lagu soo rgay ayaa xirtay Isgoyska Siinaay, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha maamulkaasi.

Marxuumka u dhintay rasaasta ay fureen Ciidamada ayaa lagu sheegay Cali Daahir Dheere (Cali Wasiir), waxaana ku dhaawacmay saddex kale oo shacab ah, Dadka Degaanka oo ka banaanbaxayay cabasho ay ka qabaan Maamulka Degmada Wardhiigley ayaa sheegay in loo fasaxay bannaanbaxa, kadibna rasaas loo adeegsaday, waxayna rasaasta la furay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen ciidamada saldhigga Boliiska Degmada Wardhiigley.

311970cookie-checkRasaas loo Adeegsaday Dibad Baxayaal ka Cabanaaya Maamul Xumida Degmada Wardhiigley & Kan Gobolka..