Robabka Magaalada Mogadishu & Kaalintii Gobolka oo la Tabay..

Somalia news

Waxaa Caasimada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka, si rasmi ah uga curtay xiligii Roobabka oo ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada oo muddo sanado ah u oomanaa, inkastoo Roobabkan oo ahaa kuwo xoogan waxayna saameyn adag ku yeesheen Guryaha iyo Wadooyinka.. 

Kasokow saameynta adag ee roobabka xilligan ay ku yeesheen kumanaanka kun oo ku nool Magaalada Mogadishu, waxaan muuqan Kaalintii Maamulka Fadhiidka ee Gobolka Benadir oo xiligaan ku mashquulsan Maqaayado Ganacsi iyo Dhalinyarada Baararka ku caweeya, iyadoo Shaqadii Duqa Mogadishu isku bedeshay inuu u xuub siibto Ilaaliyaha Anshaxa Dhalinyarada (Police good manners).

Roobabka ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah Waddooyinka waaweyn ee magaalada, oo ay ku adkaatay Gaadiidka iyo Mootooyinka inay soo maraan, iyadoo Maamulka Xasan Sheekh iyo kan ku magacaaban Gobolka oo Canshuurta qori caaradiis ku qaadaan balse ayaan darro aan loogu adeegin Shacbiga Caasimada ku nool.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid02KooJdRcpid2Cpw9zd6ic2JPPR5G8SRdEbbqLxGiCVg13bA4UaTqU2yxj9tsFSeJl&id=100032818116670

253760cookie-checkRobabka Magaalada Mogadishu & Kaalintii Gobolka oo la Tabay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com