Musuqmaasuqa Ragaadiyay Hogaanka & Mas’uuliyiinta Dalka & Sida loo Xisaabin karo

Somalia news

Tan iyo intii uu burburka dagaalada sokeeya ka soo kabsaday Dalka Somalia, nasiib darro wuxuu u gacan galay kooxo qowleysato ah oo isku sheega Siyaasiyiin kuna caan baxay Musuqa, Eexda iyo nin jecleysiga, waxeyna dhibaato ku noqdeen Horumarka Dalka, iyagoo uga faa’iideystay taag darida Laamaha Dowladda, isla xisaabtan la’aanta iyo Xasilooni darrada…

Dalka Somalia ayaa kaalinta hore ka galay dalalka uu la degay musuqmaasuqa, waxeyna talaabadani dhiiri gelisay sharciga oo shaqeyn waayay Dadka qaarkiis kuwaasoo kuwaasoo ki dhiiraday iney Daaro waa weyn ka dhistaan Hantidii Dalka kuna faanaya iney Milyineero noqdeen una dalxiis taga Dalalka Kenya, Tanzania, Zambia, Qatar, UAE iyo Turkiga, talaabooyinka ayaa horseeday in Abaaro iyo Biyo la’aan ku habsato mddo dheer Sanad kastana Aduunka loo tuugsi tago.

Arrimaha ugu waa weyn ee dhiiri geliyay Musuqmaasuqa ayaa ah Dowlad la’aanta, isla xisaabtan dhab ah iyo u hogaansanaan la’aanta Sharciga, talaabadani ayaa horseeday iney meesha ka baxdo nidaamka hufnaanta ku dhisna isla markaasna dhiiri geliyay mid walba uu danihiisa ka hormariyo Danta Qaranka.

Somalia Xiligaan waxey u baahan tahay qorshe raad raac ah oo lagu xisaabinaayo Siyaasiyinta iyo Hantidooda 2-dii sano mar loona dhiso Hey’ad u gaar oo Dowladda ka madax banaan awoodna u leh iney xisaabiso Madaxweynaha Qoysaskiisa iyo Caruurtiisa da’doodu gaarto 18-ka, Wasiirada, Xildhibaanada 2-da xil haya iyo Madaxda Gobolada, Degmooyinka Saraakiisha Dekedaha iyo Garoonada & kuwa Ciidamasa si looga hortago Nidaamka Lacagaha lagu dhaco laguna dhaqo.

232660cookie-checkMusuqmaasuqa Ragaadiyay Hogaanka & Mas’uuliyiinta Dalka & Sida loo Xisaabin karo