Share the post "Rooble Miyuu Hagaajin Karaa Siyaasada Beeleysan Wasaaradaha Qaarkood"
Kulankii Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Muigai Kenyatta ay ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa dhaliyey dood cusub oo ku saabsan suuragalnimada in jaangoynta siyaasadda beeleysan ee wasaaradaha qaarkood oo ay la wareegeen Farmaajo Qaraabadiisa…
Ilo waeeedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in jaangoynta siyaasadda Arrimaha dibadda waxa go’aan ka gaara koox yar oo fadhisa Villa Somalia, iyadoo aan lala tashan Wasiirka wasaaradda iyo kooxda khubarada arrimaha Dibadda ee Wasaaradda taasina waa sababta keentay in Wasiir Cawad uu shaqada iskaga tago.
Haddii Saraakiisha Hogaanada iyo Qaybaha Ciidamada ay ka cawdeen Gen. Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha ciidanka dhulka, diblomaasiyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia waxa ay eed u jeediyeen Balal Maxamed Cismaan Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda oo haysta kalsoonida Madaxweyne Farmaajo, taasina waa sababta Balal oo ku cusub Diblomaasiyadda Dalka iyo guud ahana Wasaaradda arrimaha dibaddu uu gacanta ugu hayo Faylasha ugu xasaasisan Arrimaha dibadda.
Halka Howlwadeenada ay cabasho ka muujiyeen Howlaha Wasaarada Macdanta wax laga weydiiyo Agaasimaha Guud Maxamed Xaashi (Carabey) oo Madaxweynaha ku beel ah, 7-January-2021 ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa geeyey Golaha Wasiirrada soo jeedin kusaabsan magacaabista & ansixinta 12 Danjire hayeeshee golaha Wasiirada ayaa dib u celiyey magacaabista Safiirada cusub isaga oo dalbaday in la saxo habraacyada soo jeedinta magacaabista iyo Ansixinta hayeeshee madaxweyne Farmaajo oo xilligaas ay kadhiiman tahay muddo-xileedkiisa muddo bil ah ayaa magacaabay dhammaantood isaga oo aan waxaba ka soo qaadin diidmada iyo dib u celinta golaha wasiirradda ee Anisixinta Danjireyaasha cusub.