Horgale Mahad Cambaashe Oo Hanjabaad u Jeediyay Shacbiga Laascaanood

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Horgale Mahad Cambaashe, oo Somaliland u qaabilsan gobalka Sool xagga ciidamada ayaa ku hanjabay in uu leyn doono Shacabka Banaanbaxyada ka dhigayay magaalada, isagoo sheegay inuu soo celinayo amniga iyo kala dambeyn…

Horgale Cambaashe, ayaa oo la baahiyey muuqaal laga soo duubay ayaa u muuqday nin aad uga careysan dhacdooyinka Laascaanod, tiro ka 5 jeer ayuuna iska hor yimid, wuxuuna Calanka Baluuga ah ku sifeeyey maryo Madow oo aan loo baahneyn.

Hanjabaada Horgalaha ayaa ku soo beegmay, xili Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka magaaladu ay go’aamiyeen guddi ka kooban 33 xubnood oo ka shaqeyn doonaa Aaya-katashiga Gobolka Sool. Iyadoo Isimadda dhaqanka gobalka SSC ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in ay Somaliland iskaga baxdo gobaladooda oo ay aayahooda katashan doonaan.

235680cookie-checkHorgale Mahad Cambaashe Oo Hanjabaad u Jeediyay Shacbiga Laascaanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com