Sacdiya Yaasiin oo Cadaadis lagu Saaraayo iney Xilka iska casisho Kadib Gafkeedii…

Somalia news

Ayaan darrada Dalkaan ku habsatay ayaa xiligaan ah, iyadoo uusan jirin Siyaasi u damqanaaya Dhibaatada iyo gumaadka Shacbiga, Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa lagu eedeeyaa iney adeegayaal u yihiin Gaalada, waxeyna dalxiis, baashaal iyo nasasho u taga Nairobi, Istanbul iyo Wadamada Reer Galbeedka halka Shacbiga Caasimada ay marti u noqdeen dilalka iyo weerarada kooxda argagixisada…

Waxaa aad isku soo taraaya baaqyo iyo culeysyo lagu saaraayo Hogaanka Dalka iney soo fara geliyaan hadal jeedintii xanafta laheyd ee Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin buuqa badana dhalisay, qeybo kala duwan ayaa cod dheer ku dalbanaaya in laga bixiyo raali gelin gefka ka dhacay Gabadhaan, halka dadka qaarkiis ay soo jeediyeen Maskaxiyan Caafimaadkeeda la baaro xilkana laga xayuubiyo.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa aad uga carooday “Waa la gaaloobayaa” iyo Raga Diinta ka hor Baxaya”, Gabadhaan ayaa hadaladaan ku raali gelineysa Kooxaha u dooda kuwa Jinsiga isla markaasna u muujineysa in Dalka Somalia uu xiligaan diyaar u yahay in laga hirgeliyo Mashruucyada ay wataan Dalalka Holland iyo Norways.

Buuqa ka dhashay Hadalka Gabadhaan gaalo u gargaarka ah ayaa u muuqda mid soo xoojinaaya culeysyada siyaasadeed ee markii horaba ka heystay gudaha Baarlamaanka, kaasoo ku saabsan inuu si hoose u socday abaabul iyo mooshin ka dhan ah lana qorsheynaayay in Xilka ay heyso looga xayuubiyo.

228100cookie-checkSacdiya Yaasiin oo Cadaadis lagu Saaraayo iney Xilka iska casisho Kadib Gafkeedii…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com