Haweeney Ku Dhacday Ceel Ku Yaal Duleedka Mogadishu

Somalia news

DegDeg:-Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Haweeney xaamilo ah ay ku dhacday Ceel dhirirkiisu lagu qiyaasay 100 Mitir ah, ayaa xiligaan badbaadinteeda ka socotaa duleedka Magaalada Mogadishu..

Wararka ayaa sheegay in Haweeney oo la sheegay iney degan tahay Deegaanka Garasbaalleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay iney Xaamilo tahay, isla markaasna ka mid aheyd Dadka Barakacayaasha ee degan Degaankaasi.

Asli Muudey oo kamid ah Barakacayaasha Ku Nool Garasbaalleey ayaa xilliay Qoryo ka guraneysay Geedo Dhexdooda Ceelka ku dhacday, Maamulka Garasbaalley iyo dadka Deegaanka ayaa ku howlan soo badbaadinteeda, kala soco wixii kuso kordha.

171220cookie-checkHaweeney Ku Dhacday Ceel Ku Yaal Duleedka Mogadishu