Macluumaad hoose ayaa tilmaamaya in Mr.Rooble Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uu si deg deg ah wax uga bedelay Qorshihiisa Amniga Xafiiskiisa iyo Hoyga uu ka degan yahay xeyndaabka Villa Somalia, kadib markii Af-hayeenkiisii lagu dhaawacay Fal is-miidaamin ah…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in guud ahaan Hanaanka shaqo ee Ilaaladiisa gaarka ah ee Amisom iyo Kuwa Dowladda uu wax ka bedelay, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay amnigiisa gaarka ah, isla-markaana go’aansaday dhaqan galinta talooyin amni oo uga yimid saraakiil sirdoon oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira.
Khubaro Sirdoon ayaa ku wargeliyay Wasiirka 1-aad in Dhacdooyinkii Sanadkii tagay ( Dilkii Hibaaq Abuukar), Dilkii Agaasimihii Radio Mogadishu, Qorshihii Afgambi ee Fashilmay iyo weerarkii lagu dhaawacay Afhayeenkiisa ay ahaayeen qorshe horey loo dejiyay waxaana lagula taliyay inuu wax ka bedelo Amnigiisa.