Qeylo dhaan Laga Keenay Kooxo Hubeysan oo Sakhraansan Oo Dhib ku ah Amaanka..

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Dadka ku nool Magaalooyinka Puntland, waxaana aad looga cabanaya kooxaha hubaysan ee lala xiriirinayo ka ganacsiga iyo Cabista Khamriga, iyadoo lagu eedeeyay Maamulka Dani inuu ka gaabiyay wax ka qabashada dhibaatadaan..

Wararka ayaa sheegaya in Kooxahaan oo ku lebisan Dharka Ciidamada Maamulka ayaa xilliyada habeenkii ah  falal amni-darro ka sameeya magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Waqooyiga Gaalkacyo, Kooxahaan hubaysan ayaa falal amni-darro oo joogta ah ku haya shacabka waxaana xaafadaha qaarkood laga soo tebiyay iney dhac ka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan qaarkood ka tirsan yihiin ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland gaar ahaanna ciidanka Daraawiishta, Laamaha Amniga Puntland weli wax jawaab ah kama bixin cabashada xooggan ee laga muujinayo kooxaha hubaysan ee Khamriilayaasha.

266790cookie-checkQeylo dhaan Laga Keenay Kooxo Hubeysan oo Sakhraansan Oo Dhib ku ah Amaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com