Maxey Hey’adaha Amaanka Uga Gaabiyeen Wax Ka Qabashada Is-Balaarinta Kooxaha Argagixisada

Africa News Somalia news

Warbixino Sirdoon ayaa welwel ka muujiyay Dayaca ka muuqda siyaasada Amaanka Gudaha Dalka shantii sano ee ugu dambeysay, kadib markii ay Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Amaanka iyo Sirdoonka ka gaabiyeen iney la socdaan kana hortagaan Isbalaarinta kooxaha Argagixisada kuwaasoo ku faafay Dalalka Kenya & Ethiopia ka qortay Dhaliyaro badan…

Wararka welwelka leh ayaa tilmaamay in Kooxaha Argagixisada ayaa ka faa’iideystay habaca iyo kala daadsanaanta ku yimid Dowladaha Kenya, Somalia iyo Ethiopia oo dagaalo sokeeye ay la degeen 3-dii sano ee ugu dambeysay waxeyna ka qorteen Dhalinyaro Busaarad iyo Shaqo la’aan dilootay, Kooxda Daacish ee ku sugan Somalia ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan Dhalinyarada kasoo jeeda Ethiopia.

Muuqaal 14-kii Juun ay duubeen kooxaha Xayeeysiinta Daacishta Galbeedka Afrika (ISWAP), 2 fiidiyoow kasoo baxay Ciraaq oo ku baxayay afka Kurdishka, iyo muuqaalkan cusub ee ku qoran af Amxaariga, waxay qeyb ka yihiin billowga taxanayaal ay doonayaan iney qortaan Dhalinyaro aan Carab ahayn.

Halka degaanada Buuraleyda Puntland oo fariisin u ah Kooxda Daacishta Somalia, waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso laguna soo bandhigtay afar Dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Oromada dalka Ethiopia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen shabakada Daacish ka tirsan yihiin, halka mustaqbalka dhow laga cabsi qabo degaanada Somaliland.

Kooxda Argagixisada Shababka oo hoos taga Ururka Al-Qa’ida oo dhowaan lagu abaal mariyay in loo xusho Kuxigeenka Hogaanka Ururka ayaa qortay qiyaastii 5000 oo dhalinyaro Ethiopian ah kuwaasoo fariisimo ka sameystay Buuraleyda Baali, waxaana la filayaa in dhowaan howlgalo ka bilaabi doono.

Ayaan darrada Dalkaan heysa ayaa ah in Hey’adaha Amaanka ayaa Hogaanka Siyaasada Dalka u xushaan taageerayaal aan aqoon durugsan u laheyn Xuuraanka & Lid-xuuraanka, fursadaan ayaa u sahashay iney Kooxaha argagixisada ku milmaan Laamaha Amaanka iyo Xafiisyada Wasaaradaha, waxeyna ku dhiiri gelisay Horjoogayaasha Kooxahaan iney Afkaartooda xag-jirnimada ku dhisan iney u dhoofiyaan Dalalka Deriska ilaa ay gaaraan Mozambique iyo Congo.

206460cookie-checkMaxey Hey’adaha Amaanka Uga Gaabiyeen Wax Ka Qabashada Is-Balaarinta Kooxaha Argagixisada

2 thoughts on “Maxey Hey’adaha Amaanka Uga Gaabiyeen Wax Ka Qabashada Is-Balaarinta Kooxaha Argagixisada

  1. Waxaa Hogaanka Dalka Kula Talin lahaa iney hey’a Amaanka u xushaan Saraakiil aqoon & xirfad u leh, hadii kale Waa sidii 4-tii hore oo kale ayaa Madaxtooyada loogu tagi oo xili habeen

  2. Daaqan naga xirnayd buu furiyo Dab iyo waabaaye!
    Ka Dar dibi dhal bay noqotay iyo sun iyo daacuune
    Ciyaal weero iyo Damul jadiid Xamar ha doodeeyso!
    Ka dareera dugaag baa degiyo dadaan xishooneeyne!

Comments are closed.